Wednesday, March 12, 2014

Dibedbaxyo ballaaran oo Turkiga ka dhacay

Kumanaan kun oo ruux ayaa ka qaybgalaya aas loo samaynayo wiil u dhintay dhaawac ka soo gaaray dibedbaxyo dalkaas laga qabtay sanad ka hor.
Kumanaan kun oo qof oo baroordiiqaya ayaa ka qaybgalaya aas loo samaynayo wil dhalinyaro ah oo u dhintay dhaawac ay gaarsiiyeen booliska dalka Turkiga.
Geerida ninkan ayaa waxay dhalisay mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowlada.
Wiil 15 jir ah
Wiilkan oo 15-jir ah laguna magacaabo Berkin Elvan ayaa dhintay shalay, waxuuna sababsaday dhaawac ay booliska gaarsiiyeen sanadkii la soo dhaafay isagoo dukaan ka gadanayay rooti ama furin.

Dhalinyaro ku qaylinaysay magaca wiilka dhintay ayaa xiray jidadka caasimada Istanbul, sidoo kalena kumanaan kale oo dibadbaxayaal ah ayaa ku mudaaharadaya magaalada Ankara.

RAYO TV BORAMA 

0 comments:

Post a Comment