Thursday, March 27, 2014

Baydhabo: Shirkii maamul u samaynta Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose oo Madaxweyne lagu doortey


Shirkii maamul u samaynta saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa ergadii ka qaybgashey shirkaas maantey doorteen Madaxweynaha maamulkaas.
Shirkan oo in muddo ah ka socdey Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay goobjoog ka ahaayeen ergo kor u dhaafeysa 700 oo ergay kuwaas oo ka kala socdey saddexda gobol ee maamulka loo dhisaayey.
Doorashada waxaa ku tartamey afar musharax oo kala ahaa:
Maxamed Xaaji Cabdinuur

Bishaar Maxamed Nuur

Yoonis Cali Dareen
Ibraahim Cabdinuur


Waxaa si aqlabiyad ah ay ergadu ugu codeeyeen Maxamed Xaaji Cabdidnuur, waxaana uu helay codad gaaraya 713.
Madaxweynahaa la doortey ayaa sheegay in uu ka shaqeynaayo amniga saddexda gobol iyo hormarintooda, isla markaana la shaqeynaayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa ah nin siyaasadda ku cusub, Madaxweynahan Baydhabo lagu doortey ayaa ka yimid dalka Maraykanka halkaas oo uu wax ku soo bartey, waxa uu mar ka soo shaqeeyey urur goboleedka IGAD, sidoo kale waxa uu muddo dheer la taliye u ahaa Shariif Xasan Shiikh Adam markii ua ahaa afhayeenka Baarlamaanka iyo markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda. Wararku qaar ayaa sheegayaa in ay walaalo dhanka hooyada ah yihiin Shariif Xasan Shiikh Adam oo shirkaan maskaxdiisi ahaa.
Shirka lagu doortey Maxamed Xaaji Cabdinuur waxaa hormuud ka ahaa Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Adam oo laba jeer soo noqdey afhayeenka Baarlamaankii kumeelgaarka ahaa, rabshado iyo dibadbaxyo isaga ka dhan ah ayaa uu uga abxay magaalada Baydhabo kadib markii dowladda federaalku ka codsatey in uu Muqdisho ku soo laabto.
Doorashadaan mid la mid ah ayaa saddex todobaad ka hor ka dhacdey Baydhabo taas oo ergo la sheegay in ay ka socdeen 6 gobol ay u doorteen madoobe Nuunow Madaxweynaha 6-da Gobol, doorashadaas waxaa ka horyimid Dowladda federaalka ah iyo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Xaaladda Bayhdabo ayaa degan, waxaana la saadaalinayaa in labada dhinac shir ka furmaaya Muqdisho la isugu keenayo si xal looga gaaro maamulka muranka ku bilowdey.

0 comments:

Post a Comment