Tuesday, March 18, 2014

Bandhigga wax soo saarka Soomaalida ee Dubai


Waxaa maalintii labaad galay shirka Bandhiga wax soo saarka iyo maalgashiga Soomaaliya oo ka furmay magaalada Dubai, gaar ahaan xarunta ganacsiga aduunka ee Dubai (Dubai World Trade Center).

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, ganacsato Ajaaniib iyo Soomaaliyeed, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Madaxa Rugta Ganacsiga Dubai iyo marti sharaf kale.

Shirkan ayaa waxaa gacan ka geysatay Safaarada Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, iyadoo khudbad uu ka jeediyay Qunsulka guud ee Safaarada Cumar C/casiis oo sheegay 


Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo shirkan furay ayaa ka hadlay muhiimada Soomaaliya u leeyahay maalgashiga iyo wax soo saarka kheyraadkooda.

Mr Saransoor ayaa sheegay in Soomaaliya ay caan ku tahay wax soo saarka kheyraadka berriga iyo badda, isagoo uga mahad celiyay qaban qaabinta shirkan Hey'adaha HANVARD iyo FAO oo bandhigan qeyb weyn ka qaatay.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Qaban qaabiyeyaasha bandhigan sida ay isaga xil saareen sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu dhiiri galin lahaa horumarinta wax soosaarka iyo maalgashiga.

Madaxa Shirkada HANVARD Africa Xasan Noor ayaa sheegay in hadii la dhiira geliyo Ganacsatada ay sahlanaan doonto in dalka maal gashi lagu sameysto, isagoo tusaale u soo qaatay magaalooyinka dalka ee ka jira horumarka iyo is bedelka, waxaana uu qiray in Soomaaliya ay xilligan ka fiican tahay sidii hore.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku caan tahay wax soo saarka beeraha sida Muuska oo dibada loo iib geyn jiray, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in dalka la maal gashto, wax soo saarkeedana dibadaha loo iib geeyo.

Madaxa Rugta Ganacsiga ee Dubai C/raxmaan Saif Al-Ghurair ayaa ku dhiira geliyay Ganacsatada Soomaaliyeed inay horumariyaan wax soo saarka, isagoo baaq u diray maalgashadayaasha caalamiga inay Soomaaliya maal gashadaan, si wax soo saarka iyo kheyraadkeeda looga faa'ideysto.

Bandhigan caalamiga oo soconaya saddex maalmood ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa ee lagu soo bandhigo wax soo saarka Soomaaliya, iyadoo dadkii ka soo qeyb galay ay la yaabeen dhamaan kheyraadka dalkeena oo lagu soo bandhigay xarunta Ganacsiga Dubai.

Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay wax soo saarka Soomaaliya, gaar ahaan khudaarta noocyadeeda kala duwan, sida Cambaha, muuska, babayga, liin bambeelmada, xoolaha berriga iyo Kaluunka iyo waxyaabo kala duwan oo ay la cajibeen dadkii ka soo qeyb galay bandhigan wax soo saarka iyo maal gashiga 

0 comments:

Post a Comment