Friday, March 21, 2014

Askar loo eryay shimbir la cunay


Saddex askari oo waardiyaynaysay beer uu leeyahay Ra'iisalwasaaraha Pakistan ayaa shaqada laga eryay kaddib markii bisad ay cuntay mid ka mid shimbiraha daa'uuska loo yeqaanno ee uu lahaa Ra'iisalwasaaraha Pakistan.
Wargayska the Express Tribune ayaa sheegay in mid ka mid ah shaqaalaha beerta uu arkay maydka daa'uuska.

Saddex ka mid ah askartaas oo u xilsaarnayd goobta lagu cunay shimbirkaas ayaa markii dambe shaqada laga eryay.Mid ka mid ah askarta shaqada laga eryay ayaa sheegay in loo yeeray 21 askari oo beerta ilaalo u ahayd maalintaas.

Beerta ra'iisalwasaare Nawaz Sharif waxay ku taallaa xaafadda Raiwind ee duleedka magaalada Lohor

0 comments:

Post a Comment