Monday, March 17, 2014

al-Shabaab oo Sheegatay masuuliyadda dilka Taliyihii Ciidanka Puntland ee Aaga Galgala


Ururka al-Shabaab ayaa ka hadlay dilkii maanta duleedka magaalada Bosaaso loogu geystay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Allahu naxariiste Col. Jaamac Siciid Warsame (Afguduud).
Afhayeenka Ururka Cali Dheere oo ka hadlayay Idaacadda ku hadasha afka ururka ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen dilka isla markaana tilmaamay in ay ku dileen weerar gaadmo ah. Wuxuna intaas raaciyey in mudo dheer ay daba joogeen taasna ka dhigayso weerarka in uu ahaa mid qorsheynaa.
Dhinaca kale wuxuu tibaaxay in qarax ismiidaamin oo ay la beegsadeen kolonyo Ciidamo AMISOM duleedka magaalada Muqdisho ay ku dileen saraakil iyo askar isku jira Afrikaan iyo Mareykan, siduu sheegay.
Rabbi ha u naxariiste Col.Jaamac Afguduud ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aaga tuulada Yalho isagoo kusii jeeday Galgala kana soo baxay magaalada Bosaaso.

Dowladda Puntland ayaa weli ilaa iyo hadda ka hadal dilka sarkaalka u sareeya Ciidanka difaaca Puntland ee aaga Buuralayda Galgala.

0 comments:

Post a Comment