Wednesday, February 26, 2014

Real Madrid Oo Xasuuqday Schalke04 Hal Lugna Lasii Gashay Wareega 8da.


Kooxda Real Madrid ayaa ka gaartay guul wayn kooxda Schalke04 oo ay marti ugu aheed garoonka Veltins-Arena iyagoona ugu awood sheegtay 0-5 ciyaar aad u xiiso badan kadib, Real Madrid ayaana hal lug lasii gashay wareega 8da ee Champions League.
Real Madrid oo weerarkooda uu ahaa mid qatar ah ayaa helay goolka koowaad daqiiqadii 13 waxaana u dhaliyay Karim Benzema kadib kubad habaysan oo uu ka helay Ronaldo isagoona sii daba mariyay gool hayaha kana dhigay ciyaarta 0-1, 21 daqiiqo Bale ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib kubad uu ka helay Benzema isagoona uganbiyay 3 difaac kadibna shuud xoogan ku riday goolka kubada ayaana sii gashay shabaqa, 31 daqiiqo Ronaldo ayaa u soo dhawaaday inuu dhaliyo goolka 3 aad laakiin birta ayaa ka beenisay, ciyaarta ayaa lagu kalanastay 0-2 oo ay ku hogaaminaysay kooxda Real Madrid.
Qaybtii danbe kooxda Real Madrid ayaa halkeeda kasii waday weerarka 52 daqiiqo Ronaldo ayaa dhaliyay goolka 3aad ee Real kadib baas fiican oo uu ka helay Bale isagoona katagay hal difaac kadibna wuxuu ku sii shuuday goolka, 57 daqiiqo Benzema ayaa markale soo taabtay shabaqa isagoona ciyaarta ka dhigay 0-4 kadib kubad ay isku dhufsadeen isaga iyo Ronaldo isagoona kadib u sii ganbiyay goolhayaha kadibna kubada sii dhex dhigay goolka, 69 daqiiqo Gareth Bale ayaa hurdo u diray ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolka 5aad ee Real Madrid kadib baas uu ka helay Ramos isagoona shuud xoogan ku riday goolka.
89 daqiiqo Ronaldo ayaa 0-6 ka dhigay ciyaarta kadib baas fiican oo uu ka helay Benzema isagoona katagay gool hayaha ka hor inta uusan dhalin goolka oo banaan, dhamaadkii ciyaarta Huntelaar ayaa u dhaliyay kooxdiisa goolka calanka oo ahaa gool cajiib ah isagoona ka dhigay ciyaarta 1-6 kadib kubad uu kahelay Fuchs isagoona shuud kusii daray kubada ka hor inta aysan galin goolka, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay sidaas iyadoo ay guushu ku raacday Real Madrid 1-6.

0 comments:

Post a Comment