Wednesday, February 26, 2014

Guardian: Moyes Kama Tagi Doono Man United.


Wargayska Guardian ee kasoo baxa England ayaa shaaciyay maanta in tababaraha kooxda Manchester United David Moyes uu san katagi doonin kooxda kadib guul daradii soogaartay xalay.
Kooxda Man United ayaa xalay lakulantay guul daro xanuun daban oo kasoo gaartay markii ugu horaysay taariikhda kooxda Olympiakos, sidoo kale kooxda ayaa ku jirta booska 6 aad ee kalasaraynta horyaalka ingiriiska iyagoona 11 dhibic u jira booska 4aad ee loogu soo baxo Champions League.
Arimahaas dhan oo jira wargayska Telegraph ee isna kasoo baxa England ayaa qoray maanta in maamulka kooxda ay ku fikirayaan inay shaqada ku soo celiyaan Ferguson inta ka harsan xili ciyaareed kaan si uu u badbaadiyo kooxda laakiin Guardian ayaa qoray waraaks war kaduwan isagoo sheegay in maamulka ay kalsooni ku qabaan Moyes taas oo ka dhigan in uu lasii joogi doono kooxda xili ciyaareed ka danbe.
Sidoo kale wargayska ayaa sheegay in qoyska iska leh kooxda ay siin doonaan Moyes lacag fiican oo uu suuqa ku galo xaggaaga soo socda si uu u keeno ciyaartoy wax tar leh.

0 comments:

Post a Comment