Wednesday, February 26, 2014

Arsene Wenger Oo Athletico Bilbao Ka Doonaya Daafaceda Aymeric Laporte.


Sida ay shaacisay Football Direct News, Kooxda ka dhisan waqooyiga London Ee Arsenal ayaa dooneysa inay u dhaqaaqdo daafaca da’ada yar Ee Atheltico Bilnao Aymeric Laporte, iyadoo Arsene Wenger qorsheynayo inuu xiddigan la soo wareego xagaagan ka hor inta uusan bilaaban koobka aduunka Ee lagu wado in lagu qabto Brazil.
Arsenal ayaa tartan xoogan kala kulmi doonta kooaha Barcelona iyo Manchester United kuwaa oo dhankoda ka xiiseynaya inay la soo saxiixdan Aymeric Laporte, wuxuna 19 jirkan soo jiitay kooxo badan oo Yurub ka ciyaara isagoo qaab ciyaared wanagsan la soo baxay xilli ciyaaredkan.
Tababaraha kooxda Arsenal ayaa aaminsan inuu Aymeric Laporte ka dulqaadi karo dhaman kooxaha doondoonaya, wuxuna Arsene Wenger doonaya in xagaaga uu is badal weyn ku sameyo kooxdisa Gunners, iyadoo ay suura gal tahay in Vermaelen uu isaga dhaqaaqo Emirates sidaa darted Wenger ayaa ku qasbanaan doona inuu la soo wareego ciyaaryahan cusub oo daafac dambe ka ciyaara.
Wakiil Arsenal ka socaday oo si qarsoodi ah ula hadlay Football Direct News ayaa yiri ” kaliya waxan ogahay waa in Arsene Wenger uu aad u xiiseynayo Aymeric Laporte, ciyaaryahan da’a yar oo Fransiis ah inuu Arsenal usoo dhaqaaqo had iyo jeer waa door soo jiidasho oo aan isku hubno, sidaas darteed waxaan ku rajo weyn nahay inan ka dulqaadi doono kooxaha kale Ee doondoonaya Aymeric Laporte.

0 comments:

Post a Comment