Sunday, January 18, 2015

Daawo:Abwaan Liiro Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolka Awdal.



(Rayo Tv Borama...18-01-2015)-Abwaan Liiro oo  kamida abwaanada gobolka Awdal kuna sugan magaalada Borama ayaa maanta mar uu u waramayay Tv-ga madaxa banaan ee Rayo Tv waxa uu ka hadlay xaalada guud ee Gobolka Awdal.



Ibraahim Suxufi
Rayo Tv
Borama Office

Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigiisa Oo Si Cajiiba Loogu Soo Dhaweeyay Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Daadmadheedh


 (Rayo Tv Burco 18-01-2015)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Wafigiisa balaadhan Ee Uu Hogaaminayay Ayaa Si Balaadhan Oo Cajiiba Loogu Soo Dhaweeyay Tuulooyinka Dabagorayaale, Raydab-khaatumo, laan mulaaxo iyo Xaaji saalax.Waxaana Safarkan Oo ahaa Indho indhayn uu madaxweynuhu Kusoo Eegayay Dadkiisa Loogu Magacdaray Safarkii Buuraha Iyo Banaanka.

Halkan Hoose Ka Daawo Sida Balaadhan Ee Madaxweynaha Loogu soo Dhaweeyay Deegaanadaasi.

 

Thursday, January 15, 2015

Daawo:Socdaalkii Waftigii Uu Hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland ay Ku Mareen Deegaanada Dila Iyo Baki..


Borama(RAYO TV) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Silaaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa subaxnimadii maanta ka amba-baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isaga oo ku sii jeeda gobolada Gabiley, Awdal iyo deegaamada hiis yimaada goboladaas.
Madaxweynaha oo safarkan ku soo mari doono gobolo dhawra ayaa ujeedada socdaalkani waxay la xidhiidhaa sidii madaxweynuhu ugu kuurgeli lahaa shacbiga ku nool goboladaasi iyo waxay ku sugan yihiin.
Safarkan oo la magacbay ama loogu yeedhidoono inta uu ku gudo jiro madaxweynuhu safarkii Buuraha iyo banaanka, oo looga jeedo madaama uu madaxweynuhu soo mari doono buuro aan hore madaxweyne somaliland ahi ama madaxweyne soo maray dalkan ilaa gumaysigii ingiriiska, sidoo kalena la rajaynaayo inuu madaxweynuhu uga sii gudbi doono gobolo kale oo aan haba yaraatee lahayn wax buuro sheegta balse banaan iyo bus uun la maridoono, waana sababta magacan buurta iyo banaanka loogu yeedhay safarkan.

Madaxweynaha oo saaka ka bilaabay safarkiisa Arabsiyo ayaa xadhiga ka jaray dooxa abaarso oo laga hirgeliyey biyo xidheen weyn.
ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay gabiley, kala baydh oo aad loogu soo dhaweeyey isaga oo uga soo gudbay Dilla oo si cajiiba u so dhawyasay madaxweynaha una dhigtay roog cas oo daadsanaa ilaa laamiga iyo beerta fagaaraha ee ay dilli caanka ku tahay.
halkaasi oo madaxweynuhu shacbigii qiimaha badnaa ee soo dhaweeyey uu kula hadlay kana dhegeystay wixii talooyin iyo tusaale ah ee ay u soo jeediyeen iyaga oo ku darsaday wixii degmada ka dhimana, isla markaasina uu madaxweynuhu u dhagax dhigay goobo dhawra.
Madaxweynaha oo laamiga kaga baydhay dilla una baydhay dhinaca buuralayda deegaamada Jaaraa-horto, ruqi, Baki, iyo oolbaki, oo madaxweynaha loogu soo dhaweeyey si qiimo badan iyada oo loogu qado sameeyey, Degmada baki, ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo hoyday Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama oo iyana uu ku soo beegmay xili makhrib ah balse ay shacbigu tubnaayeen wadada hareeraheeda, lulayeena caleemo qoyan, astaamaha qaranka somaliland.

RAYO TV
BORAMA OFFICE

Thursday, January 8, 2015

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee gobalka awdal xisbiga mucaaradka ee wadani ayaa ka hadlay xaalada dalka eedayna u jeediyaya Badhasaabka gobalka

(
 Borama Borama 08.01.2015 ) Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee wadani ee gobalka awdal ayaa ka hadlay xaalada gobalka awdal sidoo kale waxa uu eedayn kulul dusha uga tuuray badhasaabka gobalka awdal

                           

Paris: 7 qof oo loo xiray weerarkii shalay

(Rayotv Borama 08.01.2015 ) Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay in la soo xiray 7 qof oo lala xiriirinayo labada qof ee loo raadinayo weerarkii shalay lagu qaaday xaruunta wargyaskaCharlie Hebdo.
Ra’iisal wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa saxaafadda u sheegay inay ku dadaalayaan sidii aanu weerar kale u dhicin.
Dhinaca kalena wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Hamyd Mourad ayaa xalay isku soo dhiibay booliska.
Waxaana wali la raadinayaa laba walaalo ah oo ku nool Paris oo la kala yiraah Said iyo Cherif Kouachi.
Booliska ayaa sheegay in Cherif Kouachi uu hore xabsiga u galay iyada oo loo xiray falal argagaxiso.
Labada nin ee la raadinayo ayuu boolisku sheegay inay hubaysanyihiin isla markaana ay halis yihiin.

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo Muqdisho ka Dhacaya

(Rayotv Borama 08.01.2015 ) 10-ka bishan January ayaa waxa magaalada Muqdisho shir ku yeelanaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee toddobada dal ee xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD, kaas oo arrimaha Somalia lagaga hadli doono.

Maxaabiistii u badnayd ayaa laga sii daayey Guantanamo Bay

(Rayotv Borama 08.01.2015 ) Maraykanka ayaa sannadkii dhammaaday sii daayey maxaabiis badan oo ku xidhnayd Xabsiga uu leeyahay Milateriga Maraykanka ee Guantanamo Bay, Cuba.
Maxabiistii ugu dambaysay ee laga sii daayo xabsiga Guantanamo ayaa la sii daayey bishii December 30-keedii; Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka ayaa sheegtay in
Saddex maxbuus oo u dhashey wadanka Yemen iyo laba Tunisia ah ayaa loo duuliyey Kazakhstan si halkaasi lagu haynayo.
Wareejinta shantan maxbuus ee la geynayo dalka bartamaha Asia ku yaala ee Kazakhstan ayaa maamulka madaxweyne Barack Obama uu kusoo afmeeray illaa 28 Maxbuus ah oo laga wareejiyey Guantanamo Bay sanadkii tegey ee 2014, waana tiradii ugu badnayd tan iyo sanadkii 2009, oo laga sii daayo xabsigan.
Mar wax laga waydiiyey asbuucaan hadii maamulka Obama uu sii xoojin doono wareejinta Maxaabiista, ayaa afhayeenka aqalka Cad Josh Earnest wuxuu sheegay in maamulka Madaxweyne Obama ay ahmiyad badan u leedahay in ugu dambayn maxaabiista oo dhan laga sii daayo xabsigan.
Tan iyo sannadkii 2009 markii uu madaxweyne Obama xilka qabtay wuxuu ku hawlahaa inuu dhaqan geliyo go’aankiisii ahaa inuu maruun xidho xabsigan.
Maraykanka ayaa xilligan ka shaqaynaya inuu sii daayo ama dib u dejin u sameeyo kala badh maxaabiista ku xidhan xabsigan oo gaadhaya 127, hase ahaatee caqabadaha weli hortaagan sii daynta maxaabiistan ayay ka mid tahay sharcigii 2010 la meel mariyey kaas oo diidanaa in maxaabiista loo soo wareejin karo gudaha dalka Maraykanka.
Duruufaha keenaya in la dhimo maxaabiistan waxaa ka mida dhinaca dhaqaalaha iyada oo maxbuuskiiba ay ku baxdo kharash gaadhaya illaa $3 Million oo dollar.